Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Uganda oo xaqiijisay dhimashadii ugu horreysay ee Ebola

Uganda oo xaqiijisay dhimashadii ugu horreysay ee Ebola

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa maanta shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaangelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.
Wasaaradda ayaa bayaan ku xustay in qofka geeriyooday ay da’diisu ahayd 24 sano.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sidoo kale xaqiijisay in dhimashadan laga diiwaangeliyay degmada Mubende .
Waxay intaasi ku dartay in xaqiiqada la ogaaday ka dib baaritaan dabagal ah oo lagu sameeyay 6 kiisas dhimasho ah oo degmadaasi laga soo tabiyay bishan.
WHO ayaa laga soo xigtay in 8 bukaan oo kale oo cudurka looga shakisan yaahy hadda ay qaadanayaan daryeel caafimaad.
Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka qaybteeda qaaradda Afrika Matshidiso Moeti ayaa laga soo xigtay inay tahay markii ugu horreysay in ka badan toban sano oo Uganda laga diiwaangeliyay faraca Ebola ee sanadkii 1976-dii ka dillaacay dalka Suudaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments