Guddoomiyaha ismaamulka Kajiado Joseph ole Lenku ayaa digniin u jeediyay howlwadeennada dowlad deegaankaasi ee aan sida laga doonayo shacabka ugu adeegin.
Lenku ayaa saaka wacad ku maray in qofkii aan shaqadiisa ka soo bixin la eryi doono.
Waxaa uu ku celceliyay in dadweynaha ku nool ismaamulka Kajiado ay xaq u leeyihiin inay helaan adeegyo wax ku ool ah.
Barasaabka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah shaqaalaha dowlad deegaankaasi ay mushaar qaadanayaan iyadoo shacabku ay dhibaatooyin wajahayaan.