Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Senatarrada dalka oo uu berri tababar u billaabanaya

Senatarrada dalka oo uu berri tababar u billaabanaya

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uu ka billowdo tababar la siinaya xubnaha aqalka sare ee dalka.
Tababarka oo senatarrada lagu fahan siinaya waajibaadkooda shaqo iyo hab-raacyada ay u hoggaansamayaan ayaa socon doono muddo shan cisho ah.
Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay tan iyo markii siyaasiyiintan la dhaariyay 9-kii bishan oo ay guddoomiye u doorteen barasaabkii hore ee ismaamulka Kilifi, Amason Kingi .
Guddoomiyaha ayaa si rasmi ah u furi doono tababarka oo hal -ku dhiggiisu yahay fahanka shaqooyinka aqalka sare iyo xeer dejin lagu xoojinaya nidaamka dowlad wadaajinta.
Qodobbada kale ee lagu soo qaadanaya tababarka waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeya guddiyada dastuuriga ah , xafiisyada madaxa bannaan iyo amniga qaranka.
Waxaa sidoo kale jiri doono fadhi ku saabsan xiriirka warbaahineed iyo wacyigelinta bulshada oo uu daadihin doono senatarka ismaamulka kitui Enoch Wambua oo horay wariye u ahaa.
Waxaa fadhigan ka qayb geli doono madaxa ururka tifaftirayaasha dalka Churchill Otieno iyo Mark Kaigwa oo ah la-taliye warbaahineed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments