Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka oo soo dhaweeyay in wasaarad loo sameeyo qurba joogta

0
294

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau ayaa soo dhaweeyay arrin uu maalmo ka hor sheegay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uu ku soo kordhin doono wasaarad qaabilsan la tacaalidda waxyaabaha ay wajahayaan qurba joogta kenyaanka ah.
William Ruto ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay in kenyaan badan oo qurbaha ku nool ay cabasho ka muujiyeen in dowladooda aynan ka helin mudanaantii ay ka filayeen.
Macharia ayaa xildhibaannada baarlamaanka u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda uu haysto culeys shaqo xita iyadoo xoogga saaraysa kordhinta lacagaha laga soo xawilo qurbaha ee dalka la soo gaarsiiyo.
Macluumaadka wasaaradda maaliyadda ayaa muujinaya in lacagaha laga soo diro qurbaha ay boqolkiiba 13 kordheen intii u dhexeysay bilihii koowaad iyo toddobaad ee sanadkan.