Xisbiga UDM ee uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa dacwad gudbiyay.
Waxay ka soo horjeedaan go’aan ka soo baxay xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee dalka kaaso lagu sheegay in xisbigan uu sharci ahaan hoos tago isbeheysiga Azimio La Umoja.
Hasa ahaate Cali Roba iyo xulafadiisa ayaa sheegaya in ka dib doorashadii guud ee dalka ka dhacday 9-kii bishii hore ay si rasmi ah ugu biireen Kenya Kwanza sidaas awgeedna aan lala xiriirin karin garabka uu hoggaamiyo Raila Odinga.
UDM ayaa ku doodaysa inay leedahay xaq dastuuri oo ay ugu biiri karto garabka siyaasadeed ee ay doonaysa taasoo ka sarreysa heshiiskii ka horreeyay codeynta ee kala dhexeyay Azimio.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiyada siyaasadeed ee ugu wayn dalka ay isku haystaan aqlabiyadda baarlamaanka oo dhinac kasta uu ku doodayo inuu haysto tirada ugu badan.