Guddiga JSC oo dib u dhigay turxaan bixin

0
437

Guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ayaa dib u dhigay wareysiyo lagu waday inuu la yeesho 20 garsoorayaal ah oo doonaya in la shaqaaleysiiyo si ay uga howlgalaan maxkamadda sare.
JSC ayaa bayaan ku sheegtay inay go’aankan qaadatay si shacabka fursad dheeraad ah loogu siiyo inay soo gudbiyaan cabashooyinkooda ka dhan ah xaakiinnada.
Sidoo kale arrintan ayaa fududeyn doonto in waqti dheeraad ah loo helo wada tashiyada ka dhexeya dhinacyada kala duwan ee caddaaladda.
Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa shaaciyay in turxaan bixinta 20-ka ay billaaban doonto 3-da bisha Tobnaad ee sanadkan waxayna soconaysa muddo bil ah.
Sida ku qeexan farqada 172-aad ee dastuurka dalka , JSC oo ay hoggaamiso madaxa caddaaladda wadanka Martha Koome ayaa laga doonayo inay xoojiso oo ay dardargeliso madax bannaanida iyo la xisaabtanka garsoorka si adeegyada ay waaxdan u fidiso shacabka ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah , waxtar leh oo ay daahfurnaan ku dheehan tahay.
JSC ayaa hoosta ka xarriiqday in fursadaha bannaan ee ay garsoorayaasha cusub buuxin doonaan la xayeysiiyay 24-kii bishii Saddexaad ee sanadkan waxaana xulashada isugu so haray 104 qof.
Shakhsiyaadka wareysiyada lala yeelan doono waxaa ka mid ah ku xigeenka diiwaangeliyaha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court Daniel Kanyinke Ole Keiwua madaxa maxkamadda hoose ee Makadara Emily Ominde, Prof. Nixon Wanyama Sifuna, oo qareen ah ,Derrick Kuto oo ah madaxa ururka garsoorayaasha , madaxa maxkamadda hoose ee Nyeri Wendy Kagendo iyo Lawrence Mugambi, oo ah garsoore sare oo ka howlgalo maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha musuqmaasuqa