Waxaa webiga Yala ee ismaamulka Siaya laga helay meydad dheeraad oo gaaraya 7.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 6 ka mid ah dadkan ay rag yihiin.
Tani ayaa tirada guud ee maydadka ilaa iyo hadda webiga Yala laga soo saaray ka dhigaysa 39 ka dib markii 32 la helay horraantii sanadkan.
Agaasimaha adeegyada caafimaadka ee degmada Yala Dr.Bruno Okal ayaa xaqiijiyay in 7 meyd oo aynan weli cidna sheegan la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka halkaasi ku yaalla.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaruntaasi aynan xamili karin tirada meydadka sidaas awgeedna uu shacabka ugu baaqayo inay goobta tagaan si ay u aqoonsadaan.
Meydadka la helay ayay wararku tilmaamayaan in laga jaray qaar ka mid ah xubnaha jirka oo xita la gubay
Shacabka ku nool Yala ayaa baaqan loo diray.
Laamaha ammaanka ayaan weli shaacin sababta keentay in dadkaasi la dilo iyo cidda ka dambeysa.