Wasiirka tacliinta oo ku baaqay in la xiro baraha waxyaabaha anshax xumada ah

0
351

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo saaray baaq ah in la xiro dhammaan baraha laga daawado muuqaallada aan anshax ahaan wanaagsanayn.
Waxaa uu sheegay in carruurta ay xilli hore iyagoo aan qaangaarin barahan ka helaan macluumaad aan habboonayn.
Baaqan ayuu soo saaray xilli uu shalay ismaamulka Kisumu ka furay tartanka dhanka heesaha.
Magoha ayaa dowladda talada la wareegtay ku boorriyay inay qaaddo tallaabo wax ku ool oo ka dhan ah meelaha baraha bulshada iyo intarneetka ee laga helo waxyaabaha dhaawacaya dhaqanka wanaagsan iyo mabaad’iida bulshada.
Wasiirka tacliinta ayaa xusay in dhowr mar oo uu dalbaday in barahan la xiro lagu tilmaamay inuu keligii taliye yahay balse uunan marnaba go’aankiisa raaligelin ka bixinayn.