Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya SAWIRO:Madaxa cadaaladda oo la dardaarmay garsoorayaasha

SAWIRO:Madaxa cadaaladda oo la dardaarmay garsoorayaasha

Madaxa cadaaladda dalka Mr. David Maraga oo maanta si rasmi ah howlgab u noqday ayaa garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan ugu baaqay inay si hufan ugu adeegaan shacabka iyagoo raacaya xeerarka dastuuriga ah.
Maraga ayaa xaakinnada u sheegay inaynan ka cabsan saameyn ama faragelin uu ku yeesho golaha fulinta.
Waxaa uu kula dardaarmay inay mar kasta garab siiyaan cadaaladda oo ay adeegsadaan caddeymaha loo soo gudbiyo.
Maraga ayaa ku celceliyay in garsoorayaasha looga baahan yahay inaynan marnaba hoos u dhigin madax bannaanida waaxda garsoorka ee dalka.
David Maraga ayaa lagu xusuustaa go’aankii taariikhiga ahaa ee uu sanadkii 2017-kii waxba kama jiraan kaga soo qaaday natiijadii doorashadii madaxtinimo taasoo keentay in doorasho ku celis ah la qabto bishii tobnaad ee sanadkaas.
Waxaa uu si ku meel gaar ah shaqada ugu wareejiyay ku xigeenkiisa garsoore Philomena Mwilu.
Maraga ayaa madaxa cadaaladda ee dalka ahaa tan iyo sanadkii 2016-kii xilligaas oo uu kala wareegay Willy Mutunga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments