Rigathi Gachagua: Na siiya 3 bilood, waxa aynu xal u heli doona xaalad adag ee dhaqaale iyo maciishadda

0
950

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa shacabka Kenyaanka ugu baaqay in ay sabar muujiyaan, maadaama isbeheysigooda Kenya Kwanza ee talada la wareegay uu xal u heli doono xaaladda adag dhaqaale ee wadanka ka jirta.
Wareysi gaar ee uu siiyay teleefishinka maxalliga ee KTN, ayuu hoggaamiyaha labaad ee dalka sheegay in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay toddobaadkii hore dhaxleen dhaqaale burbursan, sidaas darteedna ay qaadan doonto wakhti ka hor inta aysan xal u helin xaaladda dhaqaale ee wadanka.
“Xaaladdu aad ayay u xun tahay, wax lacag ah oo ku jira malaha qasnadda dowladda ee maaliyadda, marka waxaan u baahannahay inaan wax badan ka qabanno kor u qaadista wax soo saarka dalka” ayuu yiri Rigathi Gachagua
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in maamulka isbeheysiga Kenya Kwanza uu hadda mudnaanta siinayo beeraha si ay xal ugu noqoto dhaqaalaha wadanka, xitaa iyadoo qiimaha raashiinka sida waxyaabaha laga soo saaro galleyda uu yahay mid qaali ah.
“Waa inaan wakhti, dadaal iyo lacag ku bixinaa beeraha, waxaana u sheegaya Kenyaanka in labo ama saddexda bilood ee soo socoto ay arki doonaan isbeddel dhanka maciishadda ah,” ayuu sii raaciyay Mr. Gachagua.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray inay ka dhabeyn doonaan ballanqaadkoodi ahaa inay hoos u dhigi doonaan qiimaha waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida burka iyo booshada.
Waxaa uu xusay in dowladda ay raadinayso xal joogto ah oo waara oo lagu xalliyo qiimaha sare ee maciishadda.