DHAGEYSO:Senetarka ismaamulka Busia oo ka hor yimid nidaamka taarikada cusub ee baaburta lagu dhajinayo

0
375

Senetarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah kana mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha ayaa ka hor yimid nidaamka lagu soo saaraya taarikada cusub ee casriga ah kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhajiyo baabuurta iyo mootooyiinka.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA, ayuu ku eedeeyay inaysan raacin nidaamka qandaraaska ee lagu soo saaray taarikada.
Waxaa uuna su’aal geliyay lacagaha laga qaadayo darawalada si ay u helaan taarikada cusub .

30-kii bishii hore ayay ahayd markii ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dhigeeda gaadiidka ay soo bandhigeen taariko cusub oo lagu rakibi doono baabuurta iyo mootooyinka.