Rigathi Gachagua: Dulqaato Kenyaanka maadaama magacaabista golaha wasiirrada cusub ay muddo qaadan doonto

0
389

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in magacaabista golaha wasiirrada iyo xoghayayaasha wasaaradaha ay muddo qaadan karto maadaama hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka William Ruto uu dalka ka maqan yahay.
Sida laga soo xigtay Gachagua, qorshaha magacaabista golaha wasiirrada ayaa gagogabo maraya, inkastoo madaxweynaha dalka lagu casuumay aaska boqoraddii geeriyootay ee UK Queen Elizabeth II.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska.
Mr. Gachagua ayaa ku nuuxnuuxsaday in magacaabista golaha wasiirrada lagu soo gabagabeyn doono laba toddobaad gudahood, iyadoo ay socoto howsha turxaan bixinta shakhsiyaadka la soo magacaabi doono.
Waxaa uu ku boorriyay Kenyaanka inay dulqaad muujiyaan oo ay sugaan ku dhawaaqista xubnaha golaha wasiirrada.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa xusay in dowladda ay ku dadaaleyso sidii ay u soo magacaabi lahayd xukuumad tayo leh.