Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Nancy Pelosi oo gaartay Armenia

Nancy Pelosi oo gaartay Armenia

Guddoomiyaha aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ayaa safar ku tagtay caasimadda dalka Armenia ee Yerevan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dagaal dhex maray waddamada dariska ee Armenia iyo Azerbaijan lagu dilay boqolaal ciidamo ah.
Pelosi ayaa noqotay mas’uulkii ugu sarreeyay Maraykanka ee halkaasi tagto tan iyo sanadkii 1991.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Nancy Pelosi ay kulan la qaadan doonto ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan.
Jimcihii ayay ahayd markii ay warfidiyeenka u sheegtay in safarkeeda uu ku saleysan yahay xuquuqul aadanaha iyo qadarinta sharafta iyo qiimaha qof kasta.
Waxaa socdaalkeeda ku wehelinaya guddoomiyaha guddiga tamarta iyo ganacsiga iyo siyaasiyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments