Kenya Kwanza oo Ichung’wa u soo xulatay xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka

0
432

Isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Kimani Ichung’wa u soo xushay inuu noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Waxaa ku xigeen looga dhigay dhigiisa Waqooyiga Kilifi Kilifi Owen Baya.
Go’aankan ayaa laga soo saaray kulan labo maalmood siyaasiyiinta Kenya Kwanza uga socday magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Sidoo kale mudanaha Koonfurta Mugirango, Sylvanus Osoro ayaa loo soo xushay inuu isbeheysigan u qaabilsanaado dhanka kala dambeynta ee baarlamaanka waxaana ku xigeen u noqonaysa Naomi Waqo oo si magacaabid ah ugu biirtay golaha qaran ee xeer dejinta.
Senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayay Kenya Kwanza doonaysa inuu noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare halka Tabitha Karanja oo matasha Nakuru ay ku xigeen u tahay.
Senatarka ismaamulka Kakamega ,Boni Khalwale ayaa laga dhigay madaxa kala dambeynta ee senate-ka iyadoo dhigiisa Samburu Stephen Lelegwe uu ku xigeen u yahay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja ay labaduba sheeganayaan inay aqlabiyad ku leeyihiin golaha xeer dejinta ee dalka.