Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa fulisay amar dhawaan ka soo baxay madaxweynaha wadanka William Ruto oo ahaa in taliyaha guud ee booliska loo aqoonsado inuu yahay xisaabiyaha sanduuqa miisaaniyadeed ee laamaha ammaanka.
Waxay tani micnaheedu tahay in guud ahaan miisaaniyadda adeegga qaran ee booliska ee NPS laga maamuli doono xafiiska abaanduulaha booliska dalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wasaaradda maaliyadda ay taliyaha guud ee booliska u qortay warqad arrinkan ku aaddan.
Miisaaniyadda adeegga qaran ee booliska ayaa waxaa horay u maareyn jiray xafiiska madaxweynaha iyadoo uu xisaabiye u yahay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha.
William Ruto ayaa xilli uu Talaadadii khudbad jeedinayay sheegay in taliyaha guud ee booliska uu sharci ahaan yahay mid madax bannaan marka la eego gudashada waajibaadkiisa balse uunan lahayn madax bannaani dhaqaale.
7-dii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda ay shaacisay in lacag dhan 317.8 bilyan oo shilin u qoondeysay hay’adaha amniga qaran.
122. 2 bilyan oo lacagtaasi ka mid ah ayaa loogu tala galay waaxyaha booliska iyo asluubta.