Safaaradda Maraykanka ee dalka oo meesha ka saartay wareysiyada cusbooneysiinta fiisaha

0
341

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa maanta oo Jimco ah shaacisay inay meesha ka saartay wareysiyada lala yeelan jiray shakhsiyaadka aan soo galootiga ahayn ee doonayo in la siiyo dal ku galka wadankaasi.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in la yareeyo ciriiriga dhanka codsashada fiisaha.
Waxay safaaraddu caddeysay in si qofku uu fursaddan uga faa’iidaysto ay qasab tahay inuu codsanaya dal ku gal aan ka duwanayn midkii hore oo uunan fiisaha ka dhicin wax ka badan afar sano oo la soo dhaafay.
Muddadan ayaa horay ahayd hal sano.
Qoraal ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta Star ayaa muujinaya in isbeddelkan cusub uu durbaba dhaqan galaya.
Waxaa qoraalka ku cad in dadka codsanaya dal ku galka dalxiis/ganacsi ee (B1/B2), ardayda (F, J, M), mise shaqaalaha diyaaradaha ama maraakiibta ee (C1/D) ay u qalmaan in dal ku galkooda loo cusbooneysiiyo iyadoo aan wareysi lala yeelan.
Sidoo kale safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa shabakadeeda ku sheegtay in haddii qofka uu markii ugu horreysay codsanaya dal ku galka ama fiisaha uu turxaan bixin maraya.
Safaaradda waxay xustay in tani ay ka mid ahayd ballanqaadyadii ay sameysay safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Meg Whitman .
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray dib u dhac dhanka soo saaridda fiisaha tani oo loo aaneeyay saameynta cudurka COVID-19 .