Qaybta waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika ayaa soo dhaweysay in madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu kaalin ku lahaan doono xasilinta qaar ka mid ah waddamada qaaradda oo ay colaado ka jiraan.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay ku sheegtay in Uhuru xilli ku habboon loo igmaday shaqadan oo uu xoogga saari doono wada xaajood iyo xal nabadeed.
Talaadadii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaciyay in hoggaamiyaha uu talada kala wareegay uu Kenya ku matali doono arrimaha nabadgalyada ee waddamada Burundi, Congo, Rwanda iyo Uganda.
Uhuru Kenyatta ayaa tobankii sano ee uu Kenya hoggaaminayay waxaa uu si wayn uga qayb qaatay wada hadallada nabadeed ee dalalka Itoobiya , Suudaanta Koonfureed, Congo iyo Soomaaliya.