Joho oo sheegay inaysan mucaaradnimadu ahayn xukun dil ah

0
380

Barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Mombasa Xasan Cali Joho ayaa sheegay in mucaaradnimada aysan ahayn mid dhibaato horseeda.
Xilli uu shalay ka hadlayay xafladda dhaarinta guddoomiyaha cusub ee ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassir, ayuu Joho sheegay in mucaaradnimadu aysan wax dhib ah gaysaneyn sidoo kalena aysan ahayn in loo hanjabo ama la cabsigeliyo siyaasiyiintooda.
Joho ayaa xusay in mucaarad la noqdo aysan micnaheedu ahayn xukun dil ah.
Waxaa uu sheegay inay ku xooggan yihiin dhanka mucaaradka islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay dowladda dhexe ula xisaabtami lahaayeen markasta oo ay ka soo bixi waydo waxyaabihii ay shacabka u ballanqaaday.