Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha Canada oo taleefoon ku wada hadlay

Madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha Canada oo taleefoon ku wada hadlay

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa maanta khadka taleefoonka kula hadlay ra’iisul wasaaraha wadanka Canada Justin Trudeau.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray amniga gobolka waxayna sidoo kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay ilaalinta dimuqraadiyadda.
Justin Trudeau oo madaxweyne Ruto ugu hambalyeeyay guushiisi bishii hore ayaa dhanka kale bogaadiyay qaabka nabadda ah ee ay u dhacday doorashadii guud ee Kenya.
Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen saameynta uu caalamka ku yeeshay duullaankii militari ee dowladda Ruushka ay ku qaadday Ukraine si gaar ah dhanka cuntada , tamarta iyo amniga.
Waxay ku heshiiyeen inay iska kaashanayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha culus ee jira.
Ruto iyo Trudeau ayaa si gaar ah u eegay xasilooni darrada ka taagan dalalka Congo DRC , Soomaaliya , Itoobiya iyo si guud geeska Afrika.
Ra’iisul wasaaraha Canada ayaa Kenya ku ammaanay kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka.
William Ruto ayaa dhankiisa dowladda Canada uga mahadceliyay taageerada ay u hayso dalka waxayna isku afgarteen in la sii wado iskaashiga dhinacyada amniga, sare u qaadidda ganacsiga,tiknolojiyadda , awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha.
Madaxweynaha dalka iyo ra’iisul wasaaraha Canada ayaa ku heshiiyay inay mar dhow si fool ka fool ah u kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments