Waxaa xilalkooda maanta loo dhaarin doonaa guddoomiyaasha ismaamullada Kakamega iyo Mombasa ee kala ah Fernandes Barasa iyo Cabdulswamad Shariif Nassir .
Labadan mas’uul ayaa la doortay 29-kii bishii hore maadaama u codeyntooda la dib dhigay.
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu wakiillo u diri doono inay goobjoog ka noqdaan dhaarinta labadan siyaasi.
Guddoomiyaasha 45-da ismaamul ee kale iyo ku xigeenadooda ayaa la dhaariyay 25-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan waxaana uu qorshuhu yahay inay isugu tagaan Mombasa si ay u doortaan guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG.