Kenya Airways oo ka hadashay rakaab ku geeriyooday JKIA

0
311

Shirkadda duulimaadyada dalka ee Kenya Airways ayaa xaqiijisay in galinkii dambe ee maanta uu qof rakaab ah ku geeriyooday gudaha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Qofka ayaa dhintay ka hor inta uunan raacin mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda KQ.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rakaabka uu wajahay dhibaatooyin dhanka neefsashada ah.
Kenya Airways ayaa xustay inuu qofkan ka mid ahaa rakaabkii la qorsheeyay inay u safraan magaalada Mombasa .
Qofka geeriyooday ayaa ilo wareeeyo qaar ah tilmaamayaan inuu yahay barasaab ku xigeenka ismaamulka Baringo Charles Kipngok.
.