Maxkamadda arrimaha dhulalka ee Thika oo la xiray

0
538

Waxaa si ku meel gaar ah albaabada la isugu dhuftay xarunta maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee deegaan baarlamaneedka Thika oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Xaruntan ayaa xirnaan doonto 14 cisho
Tani ayaa timid ka dib markii saddex ka mid ah shaqaalaha maxkamadda laga helay cudurka COVID-19.
Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Philomena Mwilu ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan dacwadaha degdegga ah ee ay dhageysan jirtay maxkamadda Thika loo wareejinaya maxkamadda Murang’a.
Waxaa bayaanka ku xusan in howlwadeenada kale ee xarunta la xiray sida ugu dhaqsiyaha badan ay si iskood ah isku karantiilayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here