Qiimaha shidaalka dalka oo kordhay

0
418

Waxaa sare u sii kacay qiimaha lagu iibinaya noocyada kala duwan ee shidaalka ee gudaha dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda dhexe ay meesha ka saartay miisaaniyad ay ku kaabeysay maareynta adeegyada tamarta iyo shidaalka.
Ismaamulka Nairobi , halkii liitar ee batroolka ayaa lagu iibin doonaa lacag dhan 179.30 shilin iyadoo horay qiimihiisu uu ahaa 159.12 shilin marka la eego dib u eegistii ugu dambeysay ee la sameeyay.
Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa sheegay in laga billaabo maanta halkii liitar ee naaftada lagu iibin doono 165 shilin in kastoo horay uu ahaa 140.
Sidoo kale halkii liitar ee nooca shidaalka ee Kerosene ayay gaadiidleyda ku heli doonaan 147. 94 shilin waxaana horay la iibinayay lacag dhan 127.94 shilin.
Talaadadii ayay ahayd markii madaxweyne William Ruto uu shaaciyay in dowladda dhexe aynan miisaaniyad ku kaabi karin waaxdan maadaama taasi aynan suurtagal ahayn marka la eego howlaha maaliyadda ee dowladda.