Safaricom oo naafada u fududeynaysa helidda shaqooyinka

0
367

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo kaashanaysa golaha qaran ee dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee (NCPWD) ayaa billowday barnaamij ay naafada ugu fududeynaysa inay shaqooyin helaan.
Waxaa arrintan loo marayaa qaab online ah oo ay maareynaysa shirkadda bixisa adeegyada tiknolojiyadda macluumaadka ee Fuzu.
Ujeeddada laga leeyahay qorshahan ayaa ah in shirkadaha iyo hay’adaha ay si fudud ku aqoonsadaan oo ayna ku howlgeliyaan naafada.
Waxaa bartan ilaa iyo hadda iska diiwaangeliyay in ka badan 360 oo ah shirkadaha dadka shaqaaleysiiya iyo ugu yaraan 5,000 oo qof oo shaqooyin raadinaya.