DHAGEYSO:Jeer wiil ku dishay Tana River

0
438

Waxaa lagu soo warramayaa in wiil 16 sano jir ah uu ku dhintay degmada Madogo ee ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ka dib markii ay jeer weerartay.
Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Maxamad Cabdi Sambuul.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in jeerta ay wiilka waxyeello gaarsiisay xilli uu ari la jiray meel aan sidaasi uga fogeyn webiga River Tana.
Shacabka degmadaasi ayaa arrintan cabasho ka muujiyay waxayna baaq u direen waaxda adeegga duurjoogta ee KWS oo ay ku boorriyeen inay xakameyso dhaqdhaqaaqa xayawaannada dhibaateeya dadweynaha.