DHAGEYSO:Shacabka Mombasa oo soo dhaweeyay soo celinta howlaha dekadda

0
554

Qaar ka mid ah dadweynaha ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa soo dhaweeyay amar uu shalay bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto oo ahaa in howlaha dekadda Mombasa ee qayb ka mid ah loo wareejiyay Naivasha halkaasi dib loogu celin doono.
Waxaa uu sheegay in tallaabadii uu horay u qaaday maamulkii madaxweyne Uhuru Kenyatta ay horseedday in dhallinyaro badan ay shaqooyinkoodii lumiyeen balse uu hadda taasi dib u eegis ku sameyn doono.
Shacabka Mombasa qaar ka mid ah oo arrintan u riyaaqay ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.