Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo ansaxisay liiska wadamada dadka ka yimaada aan la karantiilayn

Dowladda oo ansaxisay liiska wadamada dadka ka yimaada aan la karantiilayn

Wasaaradda dalxiiska ee Kenya ayaa soo saartay wareegto lagu xusay 6 wadan oo dheeraad ah oo lagu kordhiyay liiska dalalka dadka ka yimaado ay khasab tahay in karantiil la geliyo.
Muwaadiniintan ayaa ah kuwa wadamada Brunei, Kuwait, Czech Republic, Spain, Switzerland iyo Thailand.
Marka ay Kenya soo gaaraan waxay marayaan karantiil 14 cisho ah oo qarashaadka ku baxaya ay iyaga qabaan.
Sidoo kale dowladda ayaa wareegtadan ku cusbooneysiisay liiska wadamada loo ansaxiyay in muwaadiniintooda aan la karantiilin.
Shakhsiyaadka u soo safraya Kenya waxaa laga doonaya in ay soo bandhigaan shahaado muujinaysa in laga baaray oo laga waayay cudurka COVID-19.
Baaritaanka ayaa ah in la sameeyo 72 saacadood gudahood ka hor inta uunan qofku soo safrin sidoo kalena marka uu yimaado uunan muujin astaamaha kuwa hergabka la midka ah.
Wadamada dadka ka soo safro ee Kenya imaada aan la karantiilayn ayaa hadda ah 204 waxaana ka mid ah El Salvador, Turkiga, Uganda, Ingiriiska, Soomaaliya, Tanzania, Sacuudi Carabiya, Zambia, Zimbabwe , Maraykanka ,Talyaaniga, Indonesia Faroe Islands, Australia, Peru, Filibiin iyo kuwo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments