Madaxweynaha cusub ee dalka William Ruto oo maanta hoggaanka loo dhaariyay ayaa magacaabay 6 garsoorayaal ah oo uu ku gacan seyray hoggaamiyihii ka horreeyay Uhuru Kenyatta.
Maanta ayay ahayd markii Ruto uu khudbadiisa ku sheegay inuu arrintan ka dhabeyn doono.
Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa horay magacyada xaakiinnadan iyo kuwo kale ugu wareejiyay Uhuru Kenyatta.
Liiskaasi ayaa ka koobnaa 41 in kastoo mid ka mid ah uu geeriyooday.
Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ka dib soo magacaabay 34 ka mid ah xaakiinnada isagoo 6 dhinac iskaga dhigay.
Madaxweynaha cusub ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday si loo dardargeliyo helidda adeegyada caddaaladda.
Afar ka mid ah garsoorayaasha ayaa ku biiraya maxkamadda racfaanka halka labada kale ay ka mid noqonayaan howlwadeennada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Garsoorayaasha uu William Ruto ansaxiyay inay ka mid noqdaan shaqaalaha maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa kala ah Korir Weldon Kipyegon, Muchelule Aggrey Otsyula, Odunga George Vincent iyo Prof. Joel Mwaura Ngugi.
Makori Evans Kiago iyo Cheruiyot Omange ayaa ku biiraya maxkamadda deegaanka iyo dhulalka.
2/2
President @WilliamsRuto today signed an Executive Order appointing four Court of Appeal Judges and another for two Environment and Land Court judges, State House, Nairobi. pic.twitter.com/KQ23y66fVS— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 13, 2022