Waxaa maanta xilka madaxtinnimo ee dalka loo dhaariyay William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ku soo baxay doorashadii guud ee wadanka ka dhacday 9-kii bishii hore.
Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in 15-kii bishii hore guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati uu ku dhawaaqay in madaxweynaha la doortay uu yahay Ruto .
Waxaa uu Chebukati isla taariikhdaasi madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome ku wargeliyay guusha madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.
Dhaarinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacday garoonka cayaaraha ee Kasarani ee magaalada Nairobi waxaana dhaarisay madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka Anne Amadi.
This is the day the LORD has made; let us rejoice and be glad in it. Psalm 118:24 pic.twitter.com/qkAc5xG1gZ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 13, 2022