Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sarkaal ka tirsan maamulka NMS oo loo xiray laaluush uu dalbaday

Sarkaal ka tirsan maamulka NMS oo loo xiray laaluush uu dalbaday

Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah howlwadeennada maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee Nairobi ee NMS.
Waxaa loo haystaa inuu qof shacab ah ka dalbaday inuu siiyo lacag laaluush oo uu qiimaheedu yahay 400,000 .
EACC ayaa magaca sarkaalka la xiray ku sheegtay Daniel Omido.
Qofka shacabka ah ayaa doonayay in loo ansaxiyo codsi uu ku gudbiyay qaab online ah.
Waxaa eedeysanaha la geeyay oo uu hadda ku sugan yahay xarunta dhexe ee guddiga EACC ee magaaladatani Nairobi ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments