Uhuru oo kenyaanka uga mahadceliyay fursadda hoggaamineed ee ay siiyeen

0
224

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa shalay galab jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu ugu mahadceliyay dhammaan kenyaanka iyo intii la soo shaqeysay 10 sano oo uu xilka madaxtinnimo hayay .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay sharaf u ahayd inuu xilkan qabto si uu qaranka ugu adeego.
Waxaa uu sheegay in munaasabadda dhaarinta William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ee berri ay tahay mid kenyaanka isku keenaysa.
Mr.Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddisocodka xil wareejinta uu soo billowday 12-kii bishii hore ee Siddeedaad.
Waxaa uu xusay in tan iyo xilligaasi albaabada madaxtooyada wadanka ay u furnaayeen xubnaha guddiga xil wareejinta.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in maamullada oo talada isku wareejiya ay ka mid tahay dhisidda qaranka.
Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in kulanka uu galabta la yeeshay madaxweynaha beddelaya ee William Ruto uu ahaa howshii ugu dambeysay ee xil wareejinta ka hor dhaarinta berri.