Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Warbaahinta gudaha ee maxalliga oo laga hor istaagay baahinta dhaarinta William Ruto

Warbaahinta gudaha ee maxalliga oo laga hor istaagay baahinta dhaarinta William Ruto

Kooxda warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha la doortay ee dalka William Ruto ayaa warbaahinnada gudaha ee maxalliga ka hor istaagtay inay baahiyaan munaasabadda dhaarinta ee berri ka dhici doonto garoonka cayaaraha Moi Kasarani ee magaalada Nairobi.
Waxaa kooxdan oggolaansho ay ku baahinayaan xafladdaas siiyay oo kaliya ah shirkadda Multichoice Kenya Ltd oo xiriir la leh shirkadda laga leeyahay Koonfur Afrika ee pay-TV group.
Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa saami yar ku leh shirkadda Multichoice Kenya Ltd.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in warbaahinta gudaha ay xogta tebinta tooska ah ka qaadan doonaa shirkaddaas maadama kaligeed la siiyay oggolaanshaha baahinta munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha 5-aad ee Kenya.
Inkastoo aan wax faahfaahin ah laga bixin arrintan balse dhaarinta madaxweynayaashii hore waxaa si toos ah u baahin jirtay warbaahinta gudaha, dowladdana wax kharash ah kama bixin jirin.
Waxaa arrintani ka horyimid suxufiyiinta iyo warbaahinta maxalliga ah, iyadoo wargeyska maxalliga ee dalka ka soo baxa ee Daily Nation uu ku eedeeyay madaxweynaha la doortay inuu lumiyay fursad dahabi ah oo ku muujin lahaa inuu madaxweyne yahay.
Kooxda qaabilsan warbaahinta William Ruto ayaa difaacday go’aanka, waxay sheegeen in shirkadda la siiyay qandaraaska baahinta munaasabadda ay qaybaha kale ee Afrika u gudbin doonto wararka la xiriira caleemo saarka madaxweynaha.
Waxaa ay sidoo kale ku eedeeyeen warbaahinta gudaha inay sameeyeen eexasho ka dhan ah Ruto gaar ahaan xilligii uu kuguda jiray ololahiisa doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments