Nin loo dilay deyn 40 shilin ah awgeed

0
349

Ciidamada booliska ee ismaamulka Lamu ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane loo haysto inuu toorri geliyay qof 32 sano jir oo ay saaxiibbo ahaayeen.
Muranka dhex maray dilka ka hor ayaa salka ku hayay deyn 40 shilin ah.
Dhacdadan ayaa shalay laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Kashmiri ee jasiiradda Amu.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wado baaritaano dheeraad oo arrintan ku saabsan.