Madaxweynaha la doortay ee dalka ee lagu wado in la dhaariyo berri William Ruto ayaa sheegay in toddobaadka dambe dowladda ay shaacin doonto qiimaha cusub ee waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida burka iyo booshada.
Sidoo kale waxaa ay dowladdu soo bandhigi doontaa qiimaha cusub ee ay beeralayda ku iibsan karaan bacriminta si loo fududeeyo culeysyada dhanka wax soo saarka ah.
Waxaa uu dhanka kale xusay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono deymaha lagu leeyahay dalka isagoo dadweynaha midnimo ugu baaqay.
William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa magaalada Maua ee ismaamulka Meru.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay xoojin doonto waaxda beeraha ee wadanka maadaama abuurku uu yahay laf-dhabarka dhaqaalaha Kenya.