Barasaab ku xigeenka Kajiado oo codsaday in loo gurmado dadka ay abaarta saameysay

0
292

Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Kajiado Martin Moshisho ayaa deeq bixiyeyaasha ugu baaqay inay gargaar u fidiyaan qoysaska ay sida gaarka ah u saameysay abaarta.
Waxaa uu sheegay in dowladda ismaamulkaasi ay la tacaalidda abaarta u qoondeysay lacag dhan 130 milyan oo shilin.
Waxaa uu xusay inay hadda soo saarayaan miisaaniyad gaaraysa 40 milyan oo shilin si loo caawiyo 15,000 oo qoysas ah.
Agaasimaha waxbarashada ee Kajiado Peter Bita, ayaa laga soo xigtay in saameynta ugu badan ee abaarta ay ka jirto Koonfurta Kajiado oo ilaa 400 oo arday ah aynan dugsiyada ku sugnayn.