DHAGEYSO:Oparanya oo sheegay inuu ka sii mid ahaan doono garabka mucaaradka ee Azimio

0
368

Barasaabkii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa caddeeyay inuunan iskaga bixi doonin isbeheysiga Azimio La Umoja.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Talaadada soo socoto la dhaarinaya madaxweynaha la doortay William Ruto ee hoggaamiya Kenya Kwanza.
Waxaa uu Oparanya hoosta ka xarriiqay in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ay kormeer ku sameyn doonaan maamulka Ruto si loo hubiyo fulinta ballanqaadyadii loo sameeyay kenyaanka.
Guddoomiyihii hore ee Kakamega ayaa dhanka kale dhaliilay qaar ka mid ah xulafada Raila Odinga oo u wareegay dhanka Kenya Kwanza wuxuuna tani ku tilmaamay khiyaano ka dhan ah xeerarka doorashooyinka.
Oparanya ayaa sidoo kale sheegay in isbeheysiga Azimio uu kulan u qaban doono dhammaan madaxda la soo doortay ee xubnaha ka ah sida barasaabyada , xildhibaannada iyo hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalladdan hoos tago.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shirka diiradda lagu saari doono sida mucaaradka uu ku noqon karo mid firfircoon oo sida habboon uga soo baxo kaalintiisa kormeerka howlaha dowladda.
Dhanka kale barasaab ku xigeenka Kakamega Ayub Savula ayaa madaxweynaha la doortay William Ruto kula taliyay inuu si siman oo caddaalad ah ula macaamilo cid kasta oo taageertay ama siyaasad ahaan uga soo horjeeday.