Maxkamadda hoose ee Kahawa ayaa fasaxday saddex ka mid ah saraakiisha shirkadda korontada dalka ee KPLC ka dib markii dembi lagu waayay.
Waxay maxkamaddu sheegtay in aan loo soo gudbin caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in saddexda shaqaale ay ku lug lahaayeen cillad bishii koowaad ee sanadkan saameysay dalka oo dhan.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo saaray garsoore Boaz Ombewa.
Eedeysanayaasha ay maxkamaddu fasaxday ayaa kala ah Mr. Raphael Kimeu , Mr. David Kamau iyo Mr .Julius Mwaniki .
26-kii bishii Jannaayo ee sanadkan ayay ahayd markii saddexda sarkaal maxkamad la soo taagay waxaana tan iyo xilligaasi socotay dacwadda ka dhanka ah.