Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Justin Muturi ayaa xubnaha golaha 13-aad ee xeer dejinta ugu baaqay inay ka fikiraan sida ay isbeddel dhanka sharciga ah ku sameyn karaan.
Waxaa uu doonaya in la soo saaro xeer wasiirrada dowladda dhexe qasab uga dhigaya in marka loo yeero ay gudaha baarlamaanka su’aallo uga jawaabaan.
Hadda sida uu nidaamku yahay , wasiirrada ayaa ka jawaabo su’aallaha guddiyada kala duwan.
Justin Muturi ayaa qabo in tani ay xaddidayso fursadda ay mudanayaasha u haystaan inay dalbadaan faahfaahin dheeraad ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in labo toddobaad gudahooda ay si rasmi ah u billowdaan howlaha baarlamaanka.
Kenyaanka ayaa rajeynaya in siyaasiyiinta la soo doortay ay sida habboon u kormeeraan waxqabadka golaha fulinta ee maamulka William Ruto.