Senatarka ismaamulka Siaya ahna hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare James Orengo ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda oo aan taageersanayn geeddisocodka la xiriira heshiiskii 2018-kii dhex maray madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr.Orengo ayaa xilli uu ku sugnaa degmada Asembo ee deegaanka Rarieda xusay in saraakiishan ay ku dadaalayaan in aan lagu guulaysan sharci beddelka BBI.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in howl wadeenada uu tuhmayo ee uunan magacyadoodu shaacin ay ku mashquulsan yihiin cidda talada wadanka qabanaysa sanadka 2022-ka halkii ay diiradda saari lahayeen mideynta shacabka.
Waxaa hadalka James Orengo taageeray xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo.
Senatarka Siaya ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ku dhaliilay in aynan ku guulaysan sugidda deegaanadii ay dhawaan ka dhaceen doorashooyinkii ku celiska ahaa maadaama rabshado la soo tabiyay.