Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay horay u soo wada shaqeyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay inuu xubnaha beesha caalamka la kaashado sidii xasilooni buuxda loogu soo dabbaal lahaa wadanka dariska la ah Kenya oo uu qiray inaynan fududayn xal u helidda caqabadda amni ee haysata.