IEBC oo shaacisay xubnaha baarlamaanka ee la soo magacaabay

0
431

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa si rasmi ah u shaaciyay xubnaha ay xisbiyada iyo isbeheysiyada siyaasadeed u soo magacaabeen inay ka mid noqdaan baarlamaanka iyo aqalka sare ee wadanka.
Waxay dadkan oo tiro ahaan dhan 32 matalayaan dhallinyarada iyo naafada.
18 ka mid ah waxay ka tirsan yihiin isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu hoggaamiyo madaxweynaha la doortay William Ruto halka 14 ay ka socdaan isbeheysiga Azimio.
Shakhsiyaadkan waxaa ka mid ah Sabina Chege ,John Mbadi ,Irene Nyakerario Mayaka ,Umulkheir Haaruun Maxamad ,Jackson Kipkemoi Kosgei, Teresia Wanjiru Mwangi, Cabdisirat Khalif Cali , Sulekha Xulbaale Harun iyo kuwo kale oo badan.