Xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare oo maanta la dhaarinaya

0
248

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 9-ka subaxnimo ee maanta xilalkooda loo dhaariyo xubnaha aqalka sare iyo baarlamaanka ee ku soo baxay doorashadii guud ee 9-kii bishii hore.
Ka dib marka mudanayaasha iyo senatarrada la dhaariyo ayay u codeyn doonaan guddoomiyaasha iyo ku xigeennada labada gole.
Madaxweynaha xafiiska banneynaya Uhuru Kenyatta ayaa 5-tii bishan wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay in xubnaha aqalka sare iyo baarlamaanka ay maanta dib u billaabanayaan kal-fadhiyadoodi.