Xildhibaannada isbeheysiyada Azimio iyo Kenya Kwanza oo yeelanaya kulama midkiiba u gaar ah

0
336

Xildhibaannada baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiyada Azimio La Umoja-One Kenya iyo Kenya Kwanza ayaa yeelanaya kulamo gaar ah oo meelo kala duwan ku kala qabsanaayaan.
Kulamada ayay labada isbeheysi  la yeelanayaan xubnahooda la soo doortay ee golaha xeer dejinta iyo aqalka sare, iyadoo diiradda lagu saaraya si ay ugu heshiiyaan cidda ay ku taageeri doonaan tartanka hoggaanka baarlamaanka iyo golaha gurtida.
Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi maanta kula kulmaya xildhibaannada baarlamaanka iyo senetka ku matala isbeheysiga Kenya Kwanza.
Dhanka kale xildhibaannada isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa haatan ku qulqulaya huteelka Maasai Lodge ee magaalada Rongai ee ismaamulka Nakuru.
Doorashada guddoonka baarlamaanka ee Kenya ayaa dhici doonto berri oo Khamiis ah.
Musharraxa ayaa laga doonaya inuu helo ugu yaraan 233 cod oo ka mid ah 349-ka xildhibaan ee golaha xeer dejinta wareegga koowaad ee codeynta, si uu ugu guuleysto kursiga afhayeenka baarlamaanka.
Haddii uusan ku soo bixin guuleystaha wareegga koowaad ee codeynta, waxaa dhici doona wareeg labaad oo u dhexeya labada musharrax ee ugu horreeya, kuwaas oo midkood uu ku guuleysan jagadaasi.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 21 shakhsi ayaa codsaday ama daneynaya jagada guddoomiyaha baarlamaanka.
Waxaa shakhsiyaadka ilaa iyo hadda soo codsaday jagada guddoonka baarlamaanka ka mid ah
Moses Wetangula
1. Gideon Kiplangat Cheruiyot
2. Gilbert Kipngetich
3. David Mwaure Waihiga
4. Daniel Wanyonyi Opilo
5. Timothy Ayieko Olingo
6. Mashall Mung’ are
7. William Wachira Mwaniki
8. Isaac Wangengi Wainaina
9. Samwel Nyachwaya Nyamao
10. Kevin Mabeta Nyamari
11. Dorothy Kemunto Nyagori
12. Mathew Erick Deya Okongo
13. Orina Jephnei Nyakwama
14. Joshua Boit
14. Thangeta Fredrick Mukaria
15. Dr. Mbii Kavindu
16. Peter O. Nyananga
17.Jinaani Nzioki Mbiuva
18. Omar Dambi
19. Samuel Mwangangi Nzamalu
20. Stanley Muindi Masai
21. Kenneth Otiato Marende
Jagada ku xigeenka gudoomiyaha waxa daneynaya xildhibaannada kala ah:
1.Faarax Macallin-Dadaab
2 Gladys Jepkogei Boss – Uasin Ngishu
2. Hon. Moses Guchine Kirimi – Central Imenti
3. Hon. Paul Otiende Amollo – Rarienda
4. Hon. George Peter Opondo Kaluma – Homabay Town
5. Hon. Faarax Yuusuf Maxamad-Galbeedka Wajeer