Kalonzo Musyoka oo iskaga haray tartanka guddoonka baarlamaanka ee Kenya

0
393

Waxaa lagu soo warramaya in hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu iskaga haray loolanka guddoonka baarlamaanka ee Kenya.
Tani ayaa timid ka dib markii uu wadahadal dhex maray xubnaha xisbiga uu madaxa ka yahay ee Wiper, inuu isaga haro tartanka loogu jiro kursiga saddexaad ee ugu sarreeya wadanka.
Warbaahinnada qaar ee wadanka ayaa ku warramaya in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Kalonzo Musyoka, ayaa tartanka uga haray sababo la xiriira cabsi laga qabo inuu guuldarro kala kulmo musharraxa isbeheysiga Kenya Kwanza kana mid shakhsiyaadka xilkan u tartamaya Moses Wetangula.
Xulafada u dhow Musyoka ayaa kula taliyay inuusan gelin tartanka oo laga yaabo inuu ugu dambeyntii ku ceebooba masraxa siyaasadda ee Kenya.