Gabadh Kenyaan oo ku dhibaateysneyd Sacuudiga oo dib loogu soo celiyay wadanka

0
231

Waxaa gelinkii dambe ee shalay dalka dib loogu soo celiyay Diana Chepkemoi oo ahayd gabadh ardayad ah balse u aaday shaqo dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Gagida caalamiga ah ee diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi ayay ka soo dagtay abaare 2-dii duhurnimo ee shalay halkaas oo ay ku sugayeen xubnaha qoyskeeda.
Dadka halkaasi ku soo dhaweeyay ee ilmada ceshan waayay ayaa waxaa ka mid ahayd hooyadeeda.
Gabadhan ayaa muuqaal ay iska soo duubtay iyada oo ku sugan Sacuudiga ku sheegtay inay halkaasi ku dhibaateysan tahay.
Safaaradda dalka Kenya ee Sacuudiga iyo dowladda ismaamulka Bomet ayaa ka mid ahaa kuwii ka shaqeeyay dib ugu soo laabashadeeda wadanka.
Diana ayaa ka dhawaajisay in dad badan oo Kenyaan ah una badan haween ay ku dhibaateysan yihiin dalka Sacuudiga.
Gabadhan ayaa muuqaalkeeda maalmihii ugu dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here