DHAGEYSO:Hoggaamiyaha KANU oo ku baaqay in la kala saaro BBI iyo doorashada guud

0
805

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa shacabka ugu baaqay in ay taageeran geeddisocodka sharci beddelka ee BBI .
Waxaa uu dhanka kale soo jeediyay in aan isku mid laga dhigin qorshahan iyo loolanka siyaasadeed ee madaxtinimada wadanka sanadka 2022-ka.
Mr. Moi ayaa hoosta ka xarriiqay in BBI ay xoojin doonto midnimada dadweynaha sidoo kalena ay horseedi doonto maamul wanaag siyaasadeed.
Senatarka Baringo ayaa intaa ku daray in hadii sharciga wadanka la beddelo ay qowmiyad walbo oo ku nool Kenya mustaqbalka u fududaan doonto in ay dalka hoggaamiso.
Waxaa uu ku celceliyay in 43 ka mid ah golayaasha ismaamullada wadanka oo ansaxiyay qorshaha BBI ay caddeyn u tahay in dhaqangelinta nidaamkan faa’iidooyin badan laga dhaxlaya.