Aadan Barre Ducaale oo ku baaqay in 4-ta sarkaal ee IEBC laga saaro guddiga

0
328

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in afarta xubnood ee ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ee diiday natiijadii doorashada madaxtinimo ay tahay in laga saaro xafiiska.
Afarta sarkaal oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddiga IEBC Juliana Cherera, Francis Wanderi, Justus Nyang’aya iyo Irene Masit ayaa diiday natiijadii madaxtinimo ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddigan Wafula Chebukati, iyagoo ku tilmaamay natiijadaasi mid isaga u gaar ah oo aan marin habka wanaagsan ee xaqiijinta.
Ka dib markii maxkamadda sare ay Isniintii taageertay natiijada oo ay sheegtay in William Ruto si cadaalad ah lagu doortay, ayay afartan xubnood sheegeen inay aqbaleen oo ay ixtiraamayaan go’aanka maxkamadda.
Qoraal uu bartiisa rasmiga ee Twitter-ka soo dhigay xildhibaan Aadan Barre ayuu hadalka afarta sarkaal ee IEBC ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Kenyaanka.
“Cherera iyo asxaabteeda ayaa ku dhawaaday inay dalka geliyaan dhibaato” ayuu yiri mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township
Waxaa uu xusay inay tahay in lala xisaabtamo saraakiishan IEBC ee afarta ah, islamarkaana xilka laga xayuubiyo sababo la xiriira anshax xumo wayn iyo inay hareer mareen dastuurka.