Shil xalay ka dhacay dowlad deegaanka Embu ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka mid ahaa wadayaasha mootooyinka halka 2 kalena ay dhaawacmeen.
Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo mooto.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadan ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah wadayaasha uu si xowli ah u kaxeynayay dhugdhugleyda.