Madaxweynaha xilka ka degaya ee Kenya oo iskugu yeeray mudanayaasha labada aqal

0
409

Madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta ayaa 8-da bishan oo ku began maalin Khamiis ah isugu yeeray dhammaan xildhibaannada iyo senetarada cusub.
Wargeyska rasmiga ee dowladda ayuu ku soo daabacay in kalfadhiga kowaad ee baarlamaanka 13-aad in la qabanayo 8 bishan ee 9-ka subaxnimo.
Kulanka ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ay yeelanaya mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo aqalka sare, waxaana lagu dhaarin doona xildhibaanada golaha xeer dejinta iyo senetarada.