Diyaargarowga xafladda dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Kenya oo ka billaabatay garoonka Kasarani

0
390

Diyaargarowga xafladda dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa billaabatay.
William Ruto iyo ku xigeenkiisa ayaa la dhaarin doono 13-ka bishan ee toddobaadka dambe.
Saraakiil uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda isgaarsiinta dadweynaha ee dalka Mulei Muia ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tageen xarumaha warbaahinta ee fagaaraha Kasarani ee magaaalada Nairobi, si ay ugu diyaar garoobaan xafladda dhaarinta iyo xil isku wareejinta jagada madaxweynaha.
Garoonka cayaaraha ee Kasarani ee caasimadda Nairobi ayaa lagu qaban doona xafladda dhaarinta ee hoggaamiyaha cusub Kenya.
Diyaargarowga dhaarinta madaxweynaha la doortay ayaa ku soo aadeyso ka dib markii shalay maxkamadda ugu sarreyso wadanka ee Supreme Court ay ayidday guusha William Ruto ee doorashadii guud ee madaxtinimo oo dhacday 9-kii bishii hore.
Dastuurka wadanka lagu maamulo ayaa dhigaya in madaxweynaha la doortay la dhaariyo 7 cisho ka dib maalin Talaado ah marka ay maxkamadda sare taageerto guusha hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka.